Munaasibad La Isku Arkay Oo Lagu Daah-furey Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha Somaliland
November 21, 2020 - Written by admin
Hargaysa(Hayaannews):
Munaasibad lagu daah-furey diwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland ayaa maanta
agu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan oo ay soo qabanqaabiyeen
Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne ku
xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici Guddoomiyayaasha
labada Xisbi Mucaarid ee WADDANI iyo UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi
(Cabdiraxmaan-CIRRO), Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiye Kuxigeena 2aad ee
Xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi-dheere, Cuqaal, Ururada madaxa banaan, daneeyayaasha
doorashada Somaliland, Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Marti sharaf kale.
Cabdirashiid
Riyo-raac guddoomiyaha gudida doorashooyinka qaranka ayaa ugu horayn halkaa ka
hadlay waxanu sheegay in diiwaan gelinta xilligeedii la bilaabi doono, Waxaanu
xusay in Diiwaangelintan ay ka faa’iidaysan doonaan dadkii aan hore u qaadan
Kaadhka Codbixinta.
Waxa uu Gudoomiyaha Guddida doorashooyinku intaas ku daray inay
Jadwal Mudaysan u sameeyeen diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo bilaabmi doonta
29 Bishan.
Madaxweyne ku xigeenka JSL md Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa guddida doorashooyinka ku bogaadiyay furitaanka diwaan gelinta codbixiyeyaasha oo muhiimad balaadhan u leh Shacabka Somaliland Waxa uu Madaxweyne ku xigeenku ku booriyey Guud ahaan Shacabka Somaliland inay qaataan Kaadhka Codbixinta si ay ugu codeeyaan Doorashooyinka inagu soo Foolka leh.
Waxa kale oo
halkaasi ka hadlay Guddoomiyayaasha labada Xisbiga Mucaarid WADDANI iyo
UCID Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),
Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Xisbiga KUMIYE iyo
Safiirka Midowga Yurub iyo Marti Sharaf kale oo dhamaantood si isku mida u soo
dhaweeyey daah-furka diwaangelinta codbixiyayaasha ee ay Komiishanka
doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen.
Shaxda Sida ay
diwaan-gelinta codbixiyayashu uga bilaabmeyso Gobolada iyo degmooyinka
Somaliland:
Phase One, Awdal
Region, Gabiley District, , Baligubadle and
Salahley districts 29th November
to 02 December,
Phase 2, Hargeisa
District and Sahil Region December 13th to 16th, 2020.
Phase 3, Togdheer
Region, Aynaba District, Gar-Adag District and Ceel Af-weyn District, 27
December to 30 December.
Phase 4, Erigavo
,Badhan, Dhahar District, Lasqoray District, Las Anod , Hudun and Taleh
Districts 10 January to 13 January, 202.