Muqdisho Oo Soo Ceshatay Astamihii Halgamayaashii Gobannimo doonka Soomaaliyeed DAAWO
October 18, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews): Muqdisho
ayaa ku dhawaad 30 sano kaddib dib u soo ceshatay Astaamihii iyo Talooyinkii
Halgamayaashii Soomaaliyeed ee ku burburay dagaalladii Sokeeye ee ka dhacay
dalka.
Madaxweyaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa xadhiga ka jray Taallada Sayid Maxamed Cabdulle
Xasan, SYL, Dhagax-tuur, Xaawo Taako iyo Axmed Gurey oo dhamaantood ay caan ku
heyd Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay
in sidoo kale ay ku howlan tahay dhismaha tallooyin loo sameynayo dadka
taariikhda ku leh halgankii gobannimo doonka.
Dadka reer Muqdisho ayaa siweyn u soo dhaweeyay in mar kale ay arkaan xasuustii halgamayaashii Soomaaliyeed oo laga yaabo in jiil badan oo dhashay burburkii kaddib ay wax badan ka baran doonaan.