Murashax Cabdiraxmaan_FARRO Oo Afur Wadareed Ku Maamusay Qaar Ka Mida Qeybaha Kala Duwan Ee Magaalada Hargeysa.

“Cabdiraxmaan-FARRO ku dooro Karti, Aqoon, Dedaal, hawl-karnimo, daacadnimo iyo Horumar, waxa uu ka codsanayaa Bulshweynta reer Somaliland inay codkooda ugu hiiliyaan…”

Hargeysa(Hayaannews): Aqoonyahan #Cabdiraxmaan_Yuusuf_Cali(#Cabdiraxmaan_FARRO) waa murashax u tartamaya Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Maroodijeex ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 31 May 2021.

Cabdiraxmaan-Farro waxa uu ka sharaxanyahay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCIDayaa waxa uu maalintii shalay Afur-wadareed ku maamusay qaar ka mida Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Waayeelka iyo marti Sharaf tirro baddan oo u dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibadii loo sameeyey Afur-wadareedka oo lagu qabtay Beer doogan oo ku taala Masalaha Koonfurka Magaalada Hargeysa, ayaa jawigaasi ahaa mid qurux baddan oo ka duwan jawiyada kale.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa dhamaan intii ka soo qeybgashay Afur-wadareedkii aan idinku maamusay, u-jeedada aan idinku sameeyey waxay ahayd dardar-gelinta hawlaha kaanbeynta ee doorashada Golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 31 May 2021. Astaydu waxa weeyaan Numberkan 116 ee sidaas ula socda”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-FARRO.

Isaga oo hadalkiisa sii wadana waxa uu yidhi“Waxaan taageerayaashayda ka codsanayaa inay si hagar la’aana igu codeeyaan meelkasta oo ay joogaan, waxaan wax ka qaban doona baahiyihiina duruufaha ku gadaaman Caasimada Hargeysa”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee www.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somailand