“Mushahaaraadka Aan Qaadaneynay Waxaa Noogu Dambeysay Bishii Oktoobar” Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina

Muqdisho (Hayaannews):- Guddiga doorashooyinka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka cawday dhaqaale-xumo soo foodsaartay, taasoo sababtay inaanay mushahar qaadannin dhawr bilood.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah aanay qaadan wax Mushahar ah, isla markaana guddiga ay soo food-saartay dhaqaale yari baahsan.

Afhayeen Safiina waxa uu sheegay in dhaqaalaha doorashada loo dejiyay iney aheyd in ka badan labaatan iyo lix Milan oo doolar. Haseyeeshee, toddoba Milyan oo ka mid ah ku deeqeen Beesha Caalamka, isagoona xusay in sidoo kale ay jirtay dhaqaalo ka imaanayay Misharaxiinta Xildhibaanada oo haatan gabaagbsi ah.

“Mushahaaraadka aan qaadaneynay waxaa noogu dambeysay bishii Oktoobar ee sannadkii dhamaaday ee 2021-ka, muddo saddex bilood ah guddiyada doorashada ma qaadan wax Mushahar ah, weli waxaan u taaganahay dhammeyatirka howlaha doorashooyinka oo waa la iska heli doono dhaqaalaha innaga maqan.” ayuu yidhi Afhayeenka guddiga doorashooyinka Axmed Safiina.

Waxuu intaasi kusii daray Axmed Safiina in Beesha Caalamka ay shuruud ku xidhay bixinta dhaqaalaha doorashada in la qabto saddex meelood laba meel doorashada iyo in la dhammeystiro Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka oo uu tilmaamay inaanay wali gaadhin sharuudahaas la hordhigay.

Hadalkan Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Soomaaliya, ayaa imanaya xilli guddiyada doorashada heer maamul-goboleed ay wadaan  howlaha doorashooyinka dalka oo lagu wado in lagu soo gabagabeeyo inta bishan February lagu gudajiro siduu dhigayo heshiiskii u dambeeyey ee arrimaha doorashooyinka.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com