“Muuse Biixi Waxa Uu Doonayaa inta Uu Aniga iyo Cirro Xabaasha Na Dhigo Uu Laba Biibiito oo Xisbiyo uu u Eekaysiiyey…” Faysal C. Waraabe

Hargeysa (Hayaannews)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha 4aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxaana munaasibadda ka qayb-galay hoggaanka sare iyo ergooyinka xisbiga oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inuu mar kale u taagan yahay Guddoomiyaha iyo Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, mana jirto cid ilaa immika muuqata oo kula tartamaysa labadaas xilba.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu eedaymo u jeediyey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ugu baaqay inuu wakhtigeeda ku qabto doorashada madaxtooyada oo ku muddeysan dhammaadka sannadkan 2022-ka.

Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay inaanay mucaarad aan yeeli doonin in doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda dib uga dhacday, isla markaana ay ka soo qorshaha horjeedaan furitaanka ururrada siyaasadda oo ku mudeysan badhtamaha sannadkan..

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalladii Guddoomiyaha Xisbiga UCID ka jeediyey furitaanka shirweynaha 4aad ee Xisbiga UCID.

“Dowlad Laba Kaclayn Ah Ayaanu Samaynaynaa..” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

“Maanta waxa uu Muuse Biixi Doonayaa inta uu Aniga iyo Cirro Xabaasha na dhigo uu Laba Biibiito oo Xisbiyo uu u eekaysiiyey yidhaahdo ila Tartama’ Taasi dhici mayso…”.Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com