“Muuse Haddii Uu Sharciga Ka Talaabsado,Isaguna Maamuus Madaxwayne Yeelan Maayo,…” Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi.

Hargeysa(Hayaannews); Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi inuu sharciyadii waddanka uu ku tuntay, Isaga oo ku tilmaamay inuu faro-galiyay dhardhaarradii kale ee dawladnimada sida Baarlamaanka iyo Garsoorka.

Sidaa waxa uu ku sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xarunta guud ee Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxa uu taxay Xeerarka iyo Qodobada Dastuuriga ah ee uu Madaxweyne Biixi Jibiyay waxaana ka mid ahaa:

  • Baasaaboorkii Ajnabiga ahaa oo aanu celin, islamarkaana uu wali madaxwaynuhu yahay muwaadin Jabuutiyaan ah.
  • Wasiirradii madaxwaynuhu magacaabay oo aan golaha wakiillada la hor gayn, illaa iminkana si sharci darro ah ku shaqaynaya.
  • Faro-galinta dhardhaarradii kale ee dawladnimada sida Baarlamaanka iyo Garsoorka
  • Xadgudub lagu sameeyey xeerkii ismaamulka gobollada iyo degmooyinka
  • Madaxwaynaha oo meesha ka saaray xeer No.71/2015 oo sheegaya kala xadaynta nidaamnka xukuumadda iyo ha’yadaha madaxa banaan, isagoo Madaxwaynuhu magicii ka bedelay wasaarado badan halka uu qaar kalena kala saaray isagoo aan wax sharci ah u eegin
  • Xad-gudubyada uu Madaxwaynuhu ku sameeyey xeer No.14 iyo xeerka Tamarta, oo labaduba uu sifo sharci darro ah gacmihiisa ugula tagay, isagoo xeerka Tamarta ku sameeyey wax ka bedel aan dastuurku siinin, halka xeer.14 oo uu soo celiyeyna uu ka daba yimi illaa barlamaanka xabadi ka yeedhay
  • HALKAN HOOSE KA DAAWO


Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com