“Muuse Wuxuu U Muuqda Inuu Maalmahan U Durbaan Tumayo Oo U Ololaynayo In Loo Kordhiyo, Taas Ka-Yeeli Mayno” Gudoomiyaha WADDANI Xirsi Cali

Hargeya(Hayaannews) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in aanay fulin balan-qaadyo lagu xusay buuga ollolaha xisbiga Kulmiye xiligii doorashadii 2017.

Guddoomiye Xirsi, waxa uu ku eedeyey Madaxweyne Biixi inuu u durbaan tumanayo sidii loogu kordhin lahaa, isaga oo ku dooday inaanay ka yeeli doonin.

“Buuga waxa ku qoran in uu dhisi doono wadada isku xidha Burco ilaa Warcimraan, in uu dhisi doono wadada isku xidha Burco ilaa Oodwayne, in la dhamaystiri doono jidadka Hargaysa, Burco, Ceerigaabo, Salaxlay, wadada Dowga-cad iyo madaaro, 4 sanno kadib waa hal bacaad lagu lisay” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

“Muuse Wuxuu U Muuqda Inuu Maalmahan U Durbaan Tumayo Oo U Ololaynayo In Loo Kordhiyo, Taas Ka-Yeeli Mayno” Gudoomiyaha WADDANI Xirsi Cali

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com