Muwaadinka Wax Ka Ogow Hanaanka Cod Bixinta Doorashooyinka Isku Sidkan  Golaha Wakiillada Iyo Deegaanka

Hargeysa (#Hayaannews)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo saaray nidaamka cod-bixinta ee muwaadiinta looga baahan yahay inay raacaan maalinta Codbixinta Doorashooyinka Isku-sidkan ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.

Hannaanka Cod-bixinta oo aan wax badan ka duwanayn nidaamyadii hore ee ay codbixiyeyaashu u mari jireen hannnaanka codbixinta, marka reebo inay tahay laba doorasho oo isku-sidkan, waxa guud ahaan shacabka cod-bixinta ka qayb-qaadanaya lagu baraarujinayaa inay soo qaataan Kaadhadka ama shahaadooyinka Codbixinta ka hor inta aanay soo gaadhin goobta ay codkooda ka dhiibanayaan.

Waxa kale oo codbixiyeyaasha lagu baraarujinayaa inay iska hubiyaan inay goobta codbixinta ka qaataan Laba Waraaqood oo ay ku kala qoran yihiin Astaamaha iyo Lambarrada murashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, si qofku ugu codeeyo labada xildhibaan ee uu codkiisa siinayo.

Haddaba, muwaadin, waxa aanu halkan idinkula wadaagaynaa farriin ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka oo xambaarsan tallaabooyinka qofka codbixiyaha ah looga baahan yahay inuu u maro hannaanka codbixinta Doorashada isku-sidkan ee Wakiillada iyo Deegaanka.

Waxa kale oo aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa farriimo wacyi-gelineed oo ku saabsan Doorashooyinka, kuwaas oo dhiirri-gelinaya anshaxa suubban ee codbixinta.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com