HAYAANNEWS.NET
Muxuu La Soo Guryo Noqday Safarkii Uu Madaxweyne Biixi Ugu Maqna Dalka Imaaraadka Carabka?
March 14, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa
(Hayaannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi
iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka
Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha
iyo weftiga oo hoggaaminay oo safar shaqo oo lix maalmood qaatay ugu maqnaa
dalka Imaaraadka, ayey diyaarad khaas ahi kasoo dejisay madaarka caalamiga ah
ee Cigaal International Airport, waxana madaxweynaha madaarka kusoo dhaweeyey
xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.
Af-hayeenka
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo
weftiga kamid ahaa, ayaa Socdaalka madaxweynaha iyo guulihii horumarineed ee
safarkiisa shaqo uu qaranka usoo hooyey saxaafadda uga warramay Af-hayeenka
madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana
isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta
dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay
kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta
xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta,
koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka
Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska, horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu
socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland
iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed
ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey
wadaagayeen.”
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa muddadii ay safarka ahaayeen kulamo la lahaa madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.”
Hayaannews,
Office
Hargeysa,
Somaliland
COMMENTS