“Natiijada Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya Waa Jidka Dalkani U Marayo Aqoonsi Caalami ah”

Hargeysa (#Hayaannews)- Warbaahinta caalamiga ah ee East African Business Week News, ayaa sheegtay in xidhiidhka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Kenya ay keenayso natiijooyin la taaban karo oo ku wajahan waddadii ay Somaliland u mari lahayd aqoonsi caalami ah. Iyada oo ay dhawdahay xilligii ay dawladda Kenya safaaraddeeda ka furan lahayd dalka Somaliland.

Warsidahan ayaa tilmaabtay in Jamhuuriyada Somaliland ay qaaday jidkii nabada, dowlad-wanaaga, dimuqraadiyada, doorashooyinka iyo isku wareejinta hoggaanka dalka si xasilooni ah oo nabdoon. Iyada oo dhinaca kalena sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland ay tixgelinayso wakhtigab saamaynta Kenya ee Midowga Afrika, isla markaana ay xoojinayso xidhiidhka Kenya, kaas oo Somaliland u horseedaya riixitaanka aayo-ka-tashigooda.

Warkan qoraaka ah ee ay baahisay shabakada East African Business Week News waxa lagu sheegay in sannadkii 2020-ka ee la soo dhaafay uu ahaa mid ay Somaliland ku tallaabsatay guulo waaweyn oo siyaasadeed iyo mid dublamaasiyadeed, isla markaana kiiska qadiyadda madax-bannaanideedu uu helay goleyaal caalami ah oo kala duwan oo ay ku soo bandhigi karto afkaarteeda iyo xaqa ay u leedahay in ay noqoto dal madax-banaan oo ka mid ah dalalka beesha caalamka.

Dhinaca klae, shabakada East African Business Week News ayaa ka soo xigatay khudbad sannadeedkii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay golayaasha Baarlamaanka Dalka, in siyaasadda arrimaha dibada Somaliland ku dhisantahay deris wanaag, nabad iyo iskaashi caalami ah, waxaana lagu yidhi warbixinta “’Siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland waxay ku dhisan tahay deris wanaag, nabad, is ixtiraam iyo iskaashi caalami ah.

Waad aragteen oo akhrisateen war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee ka soo baxay kulankii labada dawladood ee Somaliland iyo Kenya. Safarkaasi wuxuu ka mid ahaa safaradii aan ku soo maray Afrika oo dhan, wada-hadaladii aan sannadkii hore la yeelanay waxa ka soo baxay natiijooyin la taaban karo oo ah qadiyada Somaliland inay tahay arrin caalami ah oo aan la dafiri karin.”

Xigashada shabakadan ee hadalka Madaxweynaha Somaliland ayaa intaa raacisay “Soddon sanno ayaanu raadineynay aqoonsi. Waxaa nalagula dardaarmay in aqoonsiga Somaliland uu yahay qaddiyad Afrikaan ah oo ay tahay in loo maro Midowga Afrika.

Iyadoo taa laga duulayo, Xukuumadda Somaliland waxay xidhiidh la sameysay dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika. Natiijadu waxay tahay in ay qadiyadda Somaliland taageeraan iyada oo illaa hadda ay qaar badani aqbaleen.”

Warbixintan shabakada East African Business Week News ayaa lagu soo gabagabeeyay “Bishii December ee sannadkii la soo dhaafay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu booqday dalka Kenya, waxaanu wada-hadal la yeeshay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay ku heshiiyeen labada madaxweyne in xafiiska xidhiidhka ee ay Somaliland ku leedahay Nairobi laga dhigo Qunsuliyad, isla markaana la furo Qunsuliyada Kenya ee Hargeysa dhamaadka bisha March ee sannadkan 2021.

Labada madaxweyne waxa kale oo ay isla garteen in duulimaad toos ah laga bilaabo Nayroobi oo la geeyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa. isla markaana la iska kaashado dhinacyada horumarintaa waxbarashada, caafimaadka iyo beeraha.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka ee Shaabkada Wararka ee WWW.Hayaannews.net   Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com