“Ninkii Aan Isku Hubin Inuu Xisbigiisu Soo Baxayoow Inaad Madaxweyne U Tartanto-ba Maaha” Xisbiga KULMIYE

 Xisbiga KULMIYE Oo Caddeeyey Mowqifkiisa Ku Aaddan Furista Ururrada Siyaasadda

Hargeysa(Hayaannews): -Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah u furan yihiin ururradii siyaasadeed, islamarkaana muwaadiniinta arrintaas danaynaya ay waajib ku tahay inay u diyaargaroobaan furashada ururrada oo ah xuquuq ay leeyihiin.

Guddoomiye Axmed Cabdi-dheere oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga, ayaa si cad u sheegay inay waajib tahay in la ixtiraamo Dastuurka iyo shuruucda dalka, isaga oo intaas ku daray in muddo-xileedkii axsaabta qaranku dhammaaday, xisbi ahaanna ay diyaar u yihiin inay ururradaas tartankooda ka qaybgalaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Haddaanu KULMIYE nahay horena waannu u galnay tartan iyada oo ururro la yahay, immikana diyaar baannu u nahay,Toban sannadood baa laga dhigay muddo-xileedka ururrada, waana sharci oo cid sharciga is hortaagi kartaa ma jirto mucaaridkuna way og yihiin, shacabkuna way og yihiin, taas wax muran ah oo ka taaganina ma jirto,  Ururraduna way furan yihiin, waxana uu xeerku qorayaa in lix bilood ka hor ururradu is diiwaangeliyaan.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen waxa uu axsaabta kale ee qaranka usoo jeediyey inay tartanka furmay ee ururrada u diyaar garoobaan, isaga oo madaxweynaha qarankana ku tilmaamay Ilaaliyaha koowaad ee Dastuurka iyo sharciga dalka, waxana uu yidhi, “Waxanu diyaar u nahay inaanu tartankaas ururrada ka qaygalno, xisbiyada kalena waa inay u diyaar garoobaan, waxa kale oo aannu diyaar u nahay inaanu doorashadii madaxtooyada diyaar u nahay, madaxweynuhu waa Dastuur ilaaliyaha koowaad, waana waxa loo doortay, qof kasta oo reer Somaliland ahna waxa ku waajib ah inuu ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka dhaqangalay.”

Guddoomiyuhu waxa uu hoggaamiyayaasha Axsaabta mucaaridka ah uga digay inay shacabka marin habaabiyaan, kana waantoobaan hadallada macno-darrada ah ee bulshada ku dhego barjeynayaan, isaga oo caddeeyey inaanu madaxweyne u tartami Karin murrashax aan ururkiisu kasoo bixin tartanka ururrada siyaasadda ee haatan furmay,“Ururrada waa la furayaa, ninkii aan isku hubin inuu xisbigiisu soo baxayow inaad madaxweyne u tartantoba ma aha, inaad madaxweyne isu sharraxdo waxa ka horreeya in ururkaagu soo baxo,” ayuu yidhi guddoomiye Axmed Cabdi-dheere.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com