Nuxur Heshiis Dhexmaray Wasaarada Waxbarashada Somaliland Iyo Jaamacada Hargeysa

Hargaysa (Hayaannews):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland iyo guddida boodhka sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa isfaham ka gaadhay deeqdii Waxbarasho ee ardaydii Wasaaraddu ku qortay Jaamacadda Hargeysa.

Waxaa heshiiskan laba geesoodka ah lagu go’aamiyey in ardaydii Wasaaraddu u dirtay Jaamacadda Hargeysa ay si toos ah u sii wadan doonaan waxbarashadoodii sidaana ay masuuliyadooda kula wareegtay Jaamacadda Hargeysi.

Waxaanay tani wadada u xaadhaysaa, in dhammaanba ardaydii deeqda Waxbarasho Wasaaradu siisay si toos ah u galaan imtixaankii tooska ahaa ee Jaamaacadda Hargeysa kaasi oo u bilaamaya guud ahaanba ardayda jaamacadda beri oo Isniin ah Taariikhduna tahay 01/02/2021.

Ardaydan ayaa qayb ka ah, ardaydii Wasaaradda waxbarashadu ku qortay dhammaan jaamacadaha dalka kuwaasi oo ah ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka jaamadadaha kuwaasi oo ka kala yimid goboladda dalka Isla markaana Wakhtigan ku sugan Magaaladda Hargeysa.