Nuxurka Khudbaddii Uu Wasiirka Arrimaha Dibaddu U Jeediyay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Dalka CANADA DAAWASHO-WACAN.

“Aqoonsiga Somaliland ma-yaalo Hargeysa, aqoonsiga Somaliland idinka ayuu jeebkiina ku jiraa” Wasiir  Ciisa Kayd Mohamud

Ottowa (Hayaannews)- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale oo socdaal shaqo ku jooga dalka Canada, ayaa caasimadda dalkaas ee Ottowa kaga qayb-galay shirweyne kor loogu qaadayo qaddiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Canada isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen jaaliyadda Somaliland ee dalkaas, waxa uu Wasiir Ciise Kayd ka jeediyey Khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo uu ku soo bandhigay dhowr luqadood, waxaanu kaga warramay geeddi-socodkii horumarka iyo dhismaha qaranimada Somaliland iyo heerka ay xilligan marayso, isagoo si qoto-dheer u faahfaahiyey dedaalka aqoonsi-raadinta ee xukuumadda uu ka tirsan yahay ku hawlan tahay.

“Waxaad ilowdeen inaad dagaalka inaad qeybtiina qaadataan, Aqoonsiga Somaliland ma-yaalo Hargeysa, aqoonsiga Somaliland idinka ayuu jeebkiina ku jiraa”.Ayuu yidhi Wasiir Ciise Kayd Maxamuud

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaan idinka ballan-qaadayaa markaan idib u noqdo inaan xoog baddan saari doono inaan dib u baabulo jaaliyadda reer Somaliland ee Ottawa. Waxaan doonayaa inaad noqotaan dad tirsan oo la-tirsado. Dad la og-yahay halka ay ku nool yihiin”

“Waa inaad is uruursataan oo aad sameysataan xarumihii Jaaliyaddaha. Aqoonsiga Somaliland oo kaliya kama shaqeynayno, ee waxaan ka shaqeynaynaa horu-marka dhaqaale ee aan adduunka ka dhaadhicin lahaa sidii waddanka Somaliland maal-gashi loogu sameyn lahaa si aynu u samayno shaqo-abuur”. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale.

HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADII QIIMAHA BADNAYD:

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com