Nuxurka Kulan Dhexmaray Agaasimaha Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Iyo Masuuliyiinta Jimciyadda Madarasadaha.

Hargeysa(Hayaannews)Agaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabilaahi Cabdale, ayaa ka warbixiyay kulan ay la yeesheen masuuliyiinta jimciyadaha madarasadaha dalka, kaas oo ku saabsanaa dar-dargelinta manhajka wasaaraddaasi u dajisay in lagu dhigo madarasadaha gobolka Maroodi-jeex.

Sheekh Aadan Cabilaahi Cabdale gaasimaha guud ee wasaaradda diinta iyo aw-qaafta Somaliland waxa uu sheegay in  kulankaas lagu lafo-guray sidii manhajkaasi u noqon lahaa mid meel mar ah, maadama dal ahaan ay muhiim tahay in waxbarashada diiniga ah ama madarasadaha ee dalku ay yeeshaan manhaj u gaar ah oo ay wada raacaan.

Agaasime Aadan Cabdilaahi wuxuu intaas intaas ku daray in xubnihii kulankaas ka qayb-galay ee masuulka ka ahaa jimciyadaha ay ku midaysan madarasadaha gobolka Maroodi-jeex ay soo jeediyeen tallooyin lagu soo horumarin karo manhajkaas, si ay u soo baxaan arday ka dhisan cilmiga diinta.

Geestoodana qaar ka mida masuuliyiinta jimciyadaha madaariista ee gobolka Maroodi-jeex ee kulankaas ka qayb-galay ayaa sheegay in masuuliyiinta wasaaradda ay isla gorfeeyeen sidii loo horumarin lahaa manhajka waxbarashada madaariista, waxaanay intaas ku dareen inay diyaar u yihiin hirgalinta arrimihii kulanaas lagaga wada hadalay.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland