Nuxurka Kulan Dhexmaray Guddiga Abaaraha Somaliland iyo Madaxda Hay’addaha Caalamiga

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ahna gudoomiyaha guddida gurmadka Abaaraha heer qaran ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta haayaddaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Somaliland ka hawl gala.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyadda Somaliland ee Hargaysa, ayaa ahaa mid lagu gorfaynayay sidii la isaga kaashan-lahaa qorsheyaasha loogu Gurmanayo dadka Abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.

Waxaana madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay xubno ka mid ah golaha wasiirrada ee qaybta ka ah guddiga abaaraha iyo masuuliyiin kale.

Kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska gurmadka abaaraha oo hoos yimaaada xafiiska madaxwayne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaa ku wehelinayay xubnaha gudida gurmadka abaaraha Somaliland.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa ka warbixiyay halka uu marayo qorshaha loogu gurmanayo dadka reer Somaliland ee ay abaaruhu saameeyeen, iyo sidii gurmad loogu fidin lahaa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO