Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxda WADDANI Iyo Odayaasha Dhaqanka Galbeedka Burco

Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyiinta ku wehelinaya Waftiga, ayaa xalay kulan la qaatay Madax-dhaqameedka, Odayaasha iyo labeenta bulshada degta Galbeedka Burco.

Kulanka oo ka qabsoomay hotel-ka Kaafi ee magaalada Burco waxa si weyn la isaga xaal waraystay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland gaar ahaana khilaafka ka taaggan doorashooyinka foodda inagu soo haya.

Madaxda dhaqanka iyo odayaasha waxa Madaxda Xisbiga la wadaageen aragtidooda ku aaddan xaaladda dalka waxaanay taageero weyn u muujiyeen Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali X Xasan, iyaga oo sheegay in ay barbar taaggan yihiin Xisbiga iyo madaxdiisa kuna taageerayaan qorsheyaasha lagu suuro gelinayo doorashooyinka soo socda.

Musharraxa Xisbiga iyo Guddoomiyaha Xisbiga oo la hadlay madaxda dhaqanka iyo waxgaradka waxay xog-warran waafi ah ka siiyeen xaaladda siyaasadda iyo khilaafka xilligan taaggan oo ay tilmaameen in Madaxweyne Biixi uga dan leeyahay muddo korodhsi iyo in uu kursiga sii fadhiyo