Nuxurka kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Dhigiisa Jabuuti

Djibouti (Hayaannews) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii uu ka degay Madaarka Caasimada Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa halkaa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo ay wehelinayaan masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan dalka Jabuuti iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti.

Waxaana madaxweynuhu qadar nasasho ah uu ku qaatay qolka gaarka ah ee nasashada, iyadoo looga sii gelbiyey weftiga madaxweynaha dhinaca qasriga madaxtooyada Jabuuti oo ay kula kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Iyadoo ay labada madaxweyne-yeesheen kulan muhiima oo ay kaga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada.

Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada mandaqada.

Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha dibeda Somaliland iyo Jabuuti, mudane Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) Wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo ay wehelinayeen labada safiir ee Somaliland iyo Jabuuti u kala fadhiya labada dal, Mudane Cabdifataax Siciid Axmed iyo mudane Xuseen Cumar Kawaaliye.

Ugu danbayn Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ay ku joogaan Dalka Jabuuti ayaa ah safar shaqo oo qaadan doona maalmo.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland