Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweynaha Somaliland Iyo Wakiilka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Hargeysa (Hayaannews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo Barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii iyo uga wada wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, axsaabta qaranka Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.

Ugu dambayn, waxa kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandqadda geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay waxa wehelinayey madaxda hay’adaha qaramada midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo masuuliyiin kale oo katirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.