Nuxurka Kulan Dhexmaray Madaxweyne Deni Iyo Taliyaha Ciidanka PSF Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

Garoowe(Hayaannews): Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF Jen. Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa wadahadal maanta uga socdaa Madaxtooyada Boosaaso, iyadoo kulankaasi ay goobjoog ka yihiin isimada Puntland ee horay ugu howlanaa dadaalladii nabadeed ee lagu xalinayay dagaalladii ka dhacay Boosaaso.

Labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jen. Maxamuud Cismaan Diyaano. Jen. Diyaano ayaa diiday inuu xilka kaa qaadistaasi aqbalo, taasi oo keentay dagaal ka dhacay Boosaaso oo u dhexeeyay ciidamada PSF iyo kuwo Puntland.

Isimadda gobolka Bari oo horay go’aamo uga soo saaray khilaafka sababay gacan ka hadalka ee labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay wadahadal la furay Madaxweyne Deni, waxayna ay ku guuleysteen in ay si ka fool ka fool ah isu soo hor-fariisiyaan maanta madaxweyne Deni iyo Jen. Maxamuud Diyaano.

Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa hadda ka socda kulankii ugu horreeyey ee madaxweynaha iyo taliyihii uu xilka ka qaaday, waxaanna la ogeyn waxa rasmiga ah ee labada dhinac ay ka wada hadlayaan. Odayaasha dadaalladan wada ayaa ku raja weyn in khilaafkan la soo afjari doono.