Nuxurka Kulanka Madaxweynayaasha Biden iyo Putin Oo Ka Billowday Geneva

Geneva(Hayaannews):Kulan u dhaxeeya madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa ka billowday magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Madaxweyne Putin ayaa u mahad-celiyey madaxweyne Biden, wuxuuna rajeeyey in kulanka uu noqdo mid “miro-dhal ah.”

Putin ayaa u sheegay Biden inuu ka mahad-celinayo kulanka, sababtoo ah wuxuu sheegay inuu ogyahay in madaxweynaha Mareykanka “uu soo galay safar dheer, uuna soo qabtay shaqooyin badan.”

Labada hoggaamiye ayaa waxaa lagu wadaa inay wax ka qabtaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin dambiyada Internet-ka iyo faro-gelinta la tuhunsan yahay in Ruushka ay ku sameeyeen doorashadii Mareykanka ka dhacday.

Kulanka ayaan laga fileyn inay kasoo baxaan wax heshiisyo ah, sida ay sheegeen saraakiisha labada dhinac.“Ma rajeyneyno in wax weyn ay kasoo baxaan kulanka,” waxaa sidaas yiri sarkaal oo Mareykan ah oo weriyayaasha la hadlay.

“Ma hubo in wax heshiis ah la gaadhi karo,” waxaa isna sidaas sheegay la-taliyaha siyaasadda arrimaha dibedda ee Putin, Yuri Ushakov.

Si kastaba, Madaxweynaha Switzerland Guy Parmelin oo kulanka marti-gelinaya ayaa sheegay inuu rajeynayo kulan “miro-dhal ah,” isaga oo magaalada kulanka uu ka dhacayo ee Geneva uu ku qeexay “magaalada nabadda.”

AP

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com