Nuxurka Kulankii Dhexmaray Madaxweyne Biixi Iyo Mustafe Cagjar
March 1, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews)-Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xafiiskiisa ku
qaabiley Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Musfate Muxumed Cumar
oo safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay ka wada hadleen labada madaxweyne iskaashiga ganacsi, iyo isdhex-galka labada shacbi ee walaalaha iyo deriska ah, ujeedada safarka madaxweynaha dawlad deegaanka Soomalida ayaa la xidhiidha dhagax-dhiga wadada Berbera Corridor oo maanta laga dhagax-dhigay duleedka caasimada Somaliland ee Hargeysa.