Nuxurka Qoddobada Ay Ka Wada Hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Safiirka EU-da

Hargeysa (Hayaannews)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Tiina Intelmann, oo ay wehelinayeen Mareeyaha Barnaamijyada Midowga Yurub Ms Maria Groeneveld iyo Cadnaan Saleebaan Axmed oo ka socday xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland.

Kulanka oo ahaa kii u horreeyay ee ay dalka ku timaado safiiradu, ayaa waxa uu ku bilaabmay is-xog waraysi guud, oo la xidhiidha is-kaashiga soo jireenka ah, ee ay wadaagaan dawladda Somaliland iyo Midowga Yurub, waxaanay iska xog waraysteen arrimo la xidhiidha xaalada dalka, gaar ahaan doorka wanaagsan ee garsoorku kaga jiro, sharciga oo la raaco iyo horumarka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali ayaa safiirka uga waramay geedi socodka togan ee garsoorka dalku cagta saaray iyo doorka muuqda ee uu kaga jiro nidaamka Axsaabta badan, maamul wanaaga iyo xalinta khilaafaadka.

Geesta kale Amb. Tiina Intelmann ayaa ugu mahadnaqday garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland wada shaqaynta fiican ee ay la leeyihiin Midowga Yurub, sidoo kale waxa ay tibaaxday in Midowga Yurub xoojinayo iskaashiga ay la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorka dalka.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu safiirka uga mahad-celiyay kor-u-qaadida is-kaashiga ay waddaagaan Jamhuuriyadda Somaliland iyo Midowga Yurub gaar ahaan mashaariicda ay ku taageeraan hay’adda garsoorka iyo hay’adaha la hal maala ee la xidhiidha sharciga iyo amniga. Waxaanu u balan-qaaday in Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hay’adda garsoorku diyaar u tahay xoojinta iyo balaadhinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com