Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Iyo Weftiga Madowga Yurrub
October 28, 2020 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews):- Shir ay yeesheen Guddoomiyaha
Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed iyo Masuuliyiin dalalka Midowga Yurub u
qaabbilsan Somaliland, ayaa lagu gorfeeyay is-kaashiga iyo wada-shaqaynta ka
dhexaysa labada dhinac.
Guddoomiyaha iyo Xubnaha Waftigu waxay ka wadahadleen waxa
lagu faahfaahiyey war qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda sare ee Somaliland,
kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Waftiga oo ka kala socday dalalka Finland, Sweden, Germany,
Denmark, Britain, Netherlands iyo madax ka socotay xafiiska EU-da ayaa guddoomiyaha kala hadlay arrima la
xidhiidha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh iyo doorkii ay ka
qaateen hay’adda garsoorku arrintaasi
iyagoo soo dhaweeyay kaalinta garsoorku ka qaadan karo doorashada la filayaa in
dhawaan ay dalka ka qabsoonto.
Geestiisa guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa Midowga Yurub
uga mahad-celiyay taageerada ay qaranka Somaliland siiyaan isagoo u soo
jeediyay in ay kordhiyaan taageeradaasi.
Waxa kale oo ay ka wada hadleen xorriyaadka aas-aasiga ah.
Waxaanu guddoomiyuhu sheegay in Somaliland xoriyada hadalku tahay mid si weyn
loo tix-galiyo, isla markaana aan la cabudhin warbaahinta, waxaanu tibaaxay in
ay helaan gar-naqsi cadaalada ah, kaasi oo u suurtagaliya in ay is-difaacaan,
haddii loo baahdana ay qabsan karaan qareen u dooda marka laga cawdo ama la
dacweeyo.
Waxa kale oo guddoomiyuhu la waddaagay waftiga ka socday dawladaha Yurub iyo Ururka Midawga Yurub in garsoorku marwalba soo dhaweeyo isla markaana uu cabashadooda dhagaysto Ururada Saxaafada iyo kuwa Xuquuqal Iinsaanka difaaca.
Gaba-gabadii waftiga iyo guddoomiyaha ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhimac isla markaana waxay uga mahadnaqeen Gudoomiyaha soo dhawynta uu u sameeyay.” sidaa ayaa lagu yidhi warkan qoraalka ah ee Maxkamadda sare ka soo baxay.