HAYAANNEWS.NET
Nuxurka Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya
February 20, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku sugan caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa waxa xafiiskiisa ku qaabilay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.
Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo
Ra’iisal wasaaraha dawladda federal-ka Itoobiya, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo
badan oo khuseeya danaha labada dal oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka iyo
is-kaashiga labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya, Amniga iyo nabadgelyada,
siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarka dhaqan-dhaqaale ee
waddamada geeska Afrika.
Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxa ka
dhexeeya xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo salka ku haya
deris-wanaag, xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeed oo guun ah.
Kulanka dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,
Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ayaa
waxa ku wehelinayey wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu
iyo madaxa xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya, dhinaca Somaliland-na waxa
madaxweynaha wehelinayey wasiirrada wasaaraha arrimaha dibadda iyo xidhiidhka
caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane
Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka
wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad
(Saajin), waxana kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is af-garad buuxa.
COMMENTS
|