Nuxurka Qodobadii Ay Ka Wada Hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland

Hargeysa(Hayaannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbiley, isla markaana kulan la yeeshay Safiirka Safaaradda Dalka Taiwan ee Hargeysa Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mid ah madaxda Safaraadda Taiwan.

Sidaas waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac oo uu soo saaray kulankaas maanta ka dib, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Hayaannews, waxaana lagaga warramay waxyaabaha ay Madaxweynaha iyo Safiirku ka wadahadleen, wwaxaanu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka safaarada Dalka Taiwan ku leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimada Hargeysa, Ambassador Allen C. Lou oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka mida madaxda safaraadaasi.

Kulankaasi Waxa lagaga wada hadlay adkaynta xidhiidhka labada dal, xoojinta arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada dal, sidoo kale waxa lagu lafo-guray sidii dalka Taiwan uga caawin lahaa Dalka Somaliland mashaariicda biyo balaadhinta magaalooyinka siiba dhinaca qodista biyo xidheenada ama dhaamamka iyo sidii dalalka Somaliland iyo Taiwan isaga kaashan lahaayeen arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada oo dalka Taiwan uu Jamhuuriyadda Somaliland ka gacan siiyo una fudaydiyo in Ardayda Somaliland ay ka helaan dalkaasi waxbarasho bilaash ah (Scholarships).

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyadoo madaxweynuhu uga mahadceliyey safiirka iyo dawladiisaba dedaalka ay ugu jiraan adkaynta xidhiidhka labada Dal.

Waxaana Madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland. ALLAA MAHAD LEH.”

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayaannewssoma@gmail.com