Nuxurka U-jeedada Wefti Ka Socda Dawlada Kenya Oo Socdaal Ku Yimi Soomaaliya

Muqdisho(Hayaannews): Xoghayaha Guud ee Arimaha Dibada Kenya, Danjire Macharia Kamau ayaa tagay magaalada Muqdisho maalintii Sabtidii aynu soo dhaafnay, isagoo hogaaminaya wefdi wada hadalo la yeelanaya dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in booqashadan oo qaadan doonta saddexda maalmood oo looga gon leeyahay  xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya  labada dal, iyadoo diirada la saarayo ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga gobolka.

“Kenyanka iyo Soomaalida waa inay diirada saaraan kordhinta ganacsiga, halkii ay ku ekaan lahaayeen arimaha siyaasada,” ayuu yidhi Amb Kamau.

Waa wefdigii ugu cuslaa ee Kenya soo dirto tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ganacsiga Qaadka ka imaan jiray Kenya.

Ganacsatada Qaadka ayaa dowladda Kenya cadaadis ku saaray inay soo afjarto khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si xayiraada looga qaado Qaadka, haddii kale waxay ku hanjabeen inay dhigayaan mudaharaadyo ka dhan ah dowladda.

Hayaannews, Office

Muqdiso, Soomaaliya

Email: Hayaannewssoma@gmail.com