Nuxurka Wada Hadal Dhexmaray Madaxweynayaasha Somaliland Iyo Maamul-Goboleedka Puntland

Hargeysa (Hayaannews)- Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa caawa ka wada-hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen qaboojinta dagaal khasaare badan sababay oo labada beelood ku dhexmaray duleedka magaalada Garoowe ee maamul-goboleedkaas.

Dagaalka labada beelood dhex-maray oo la sheegay inuu bilaabmay subaxnimadii saaka ayaa laysku gabbal-dhacsaday, waxaana ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, waxaanu dagaalku u dhexeeyaa laba beelood oo ka soo kala jeeda gobollada Sool iyo Nugaal.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu subaxnimadii saaka ka bilaabmay Saax-maygaag oo ka tirsan degmada Boocame ee gobolka Sool iyo deegaanka Birta Dheer oo ka tirsan gobolka Nugaal ee maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo ah xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu dagaalka saaka qarxay ka horeeyey weerar ay gudaha Somaliland toddobaadkii hore ku soo qaadeen malleeshiyo-beeleed dhalasho ahaan ka soo jeeda maamul-goboleedka Puntland oo halkaas ku dilay lix qof oo Shacab ah, iyadoo dhacdadaas uu ka hadlay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi oo duullaanka lagu soo qaaday dadka shacabka ah ee gobolka Sool ku eedeeyey maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda uu hoggaaminayo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay khadka telefoonka ku wada-xidhiidheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni isla markaana ka wada-hadleen sidii damin lahaa colaadaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo caawa la hadlayey warbaahinta, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan ka xun yihiin dagaalka dhexmaray labada beelood iyo khasaaraha ka dhashay isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii joojin lahaa dagaalkaas.

Waxa uu wasiirku sheegay inaanay xukuumad Somaliland aanay wax lug ah ku lahayn dagaalkaas balse waxa uu hurinta colaadaas ku eedeeyey inay ku lug leeyihiin maamul-goboleedka Puntland iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com