Ololaha Doorashada Madaxweynimo Oo Ka Bilaamay Waddanka Jabbuuti Iyo Khudbadii Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Djibouti (Hayaannews): Madaxweyne Geelle, oo mar shannaad Sharraxan ayaa maanta dadweynaha meel Fagaaro ah kala hadlay isagoo sheegay in aanu xukunka doonayn balse dadkiisu ku qasbayo sida uu hadalka u dhiggay.

Xisbiyada Mucaaradka intooda badan way qaadaceen Doorashada iyagoo sheegay in aan madaxweyne Geelle, diyaar u ahayn Doorasho xor iyo Xalaal ah.

Hal Siyaasi ayaa tartankan la geliya madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo waddanka soo xukumayay 22 Sannadood.

Sakariye Ismaaciil Faarax, waa musharaxa la tartamaya madaxweyne Geelle, dad badan ayaa aaminsan in aanay musharaxnimadu ka dhab ahayn oo uu Ciyaarta Qurxinayo balse isagu waa uu beeniyay tuhunkaasi.

HALKAN KA DAAWO Khudbadii MADAXWEYNE GEELLE

Hayaannews, Office

Jabuuti