Paris: Xus loo sameeyay Askartii Somaliland ee ku dhintay dagaaladii 1aad iyo 2aad ee Addunka
October 25, 2019 - Written by admin
Paris (Hayaannews)- Wasaarada gaashaandhiga
dawlada Faransiiska ayaa qabatay munaasibad lagu xusayay Askartii reer
Somaliland ee ka qayb galay kuna dhintay dagaaladii Koowaad iyo Labaad ee
dunida.
Iyadoo askartaasi ay u dagaalameen dawlada Faransiiska
sanadihii 1914-1918 iyo sanadihii 1939-kii ilaa 1945-kii.
Munaasibad lagu Xusayay Askartii reer Somaliland ee ka qayb galay
dagaaladaasi ayaa shalay lagu qabtay Fagaaraha dalka jirka Dahsoon ee
magaaladda Paris ee caasimada dalka Faransiiska.
Taasoo ay ka soo qab galeen saraakiil ka tirsan ciidanka dalka
Franch iyo qurbe jooga reer Somaliland ee degan magaaladda Paris.
Calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo calanka dalka Franch ayaa la
sudhay goobaha lagu qabtay xuskan.
Guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee u
dagaalantay dalka Franch Ibraahim Yusuf Guuleed, ayaa xuskaasi ku
tilmaamay kii u horeeyay ee la qabto.
Ibraahim Yusuf Guuleed, oo u waramayay talefishanka qaranka
Somaliland ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horaysay taariikhda dalka Franch
laga xuso Askarkii reer Somaliland ee ku dhintay dagaaladii koowaad iyo
labaad ee dunida.
Waxaanu yidhi “Waa markii u horaysay ee Wadada Caanka ah ee
magaaladda Paris iyo taalada dal jirka Dahsoon ee dalka Franch lagu qabto
munaasibad lagu xusayay Askartii Somaliland ka soo jeeday ee ku ku
dhintay dagaalkii Koowaad ee Aduunka iyo dagaalkii labaad ee Aduunka.
Waxaanay askartaasi u qoran yihiin wasaaradda Gaashaandhiga
wadanka Franch in ay ahaayeen Askartii Somaliland ka timid ee u dagaalantay
dalka Franch. Waxaanan iska kaashanay qabashada xuskan wasaarada Gaashaandhiga
ee dalka Franch.
Waxaana loo tumayay miisiga ciidanka qaranka ee Faranch, waxa
kaloo la tumayay heestii ciidanka Franch”.
Ibraahim Yusuf Guuleed, ayaa wax aad u qiimo badan iyo guul ku tilmaamay qabashadda xuskaasi. “Waxaanay ahayd wax aad u qiimo badan xuskani, yididiilo ayaanay na gelisay, halkaas ayaanu ka sii wadi doonaa. Waana guul u soo hoyatay Somaliland.
Waxaanan rejaynayaa in aanu casuumi doono madaxda Somaliland ka socota, oo ka yimaada dalkii”ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Raad-raaca taariikhda Askartii Somaliland ee askartii u dagaalantay Faransiiska.