Prof. Cali Khaliif Galaydh Oo Aas Qaran Muqdisho loogu Sameeyey Iyo Masuuliyiintii Dowladda Ee Ka Qeybgalay
October 11, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews):-
Alle ha u naxariistee Ra’iisal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali
Khaliif Galaydh,ayaa maanta Magaalada muqdisho si heer qaran ah loogu aasay,kadib
markii uu khamiistii ku geeriyooday
magaalada Jigjiga ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Aaska ka hor waxaa lagu qabtay Salaadda Janaasada
mid ka mid ah hoolasha garoommada ciidammada cirka ee xerada Afisyooni ee
magaalada Muqdisho.
Waddooyinka qaar ayaa maanta xidhnaa, sababo amni
oo ahaa meelihii la marsiinayey maydka Cali Khaliif Gallaydh. Waxaana lagu
aasay xabaalo ku yaalla cusbitaalka ay leeyihiin ciidammada xoogga ee
Soomaaliya. Marxuumka ayaa ku geeryooday magaalada Jigjiga Khamiistii, halkaas
oo uu socdaal shakhsiya u joogay.
Waxaana habka loo aasay ka muuqatay habka loo aaso
dadka u dhintay cudurka Covid-19. Qaar ka mida ehelka Cali Khaliif Gallaydh oo
BBC-da hore ula hadlay, ayaa sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo
cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.
“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay.
Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta
xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa
ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is
laheyn wuu iska dhammaani.”
“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday
laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yidhi. Waxayna intaas
ku dareen in ay codsanayaan in dib loogu baadho maydkiisa.
Waayihii
Cali Khaliif Galaydh
Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada
Laas-Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sannadkii 1941-kii, halkaasoo
uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa
aasaasiga ah.
Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu degmada Sheekh
ku dhammeystay sannadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah – oo uu qeybo ka
mid ah kusoo qaatay Jaamacado dibedda ku yaalla – wuxuu ka gaadhay illaa
derajada PhD, wuxuuna bare ka noqday Soomaaliya.
Heerkiisii
Jaamacadeed
1963-kii, Marxuum Galaydh wuxuu helay deeq
waxbarasho oo ay siisay Jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. Wuxuu Shahaadada
heerka koowaad ee maaddada Seyniska Siyaasadda ka qalinjebiyay sannadkii
1965-kii.
1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka
labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York, Mareykanka.
Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga
maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa
inuu barfasoor ku noqdo. Buuggii uu derajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu
qoray 1971-kii iyo 1972-kii.
Intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu
waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha
dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka.
Doorkiisii
dhinaca maamulka iyo siyaasadda
Barfasoor Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay
waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA).
Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu ugu dambeyn 1973-kii ka
qabtay xilka agaasimaha guud.
Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu
agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI). 1976-kii ilaa 1982-kii
wuxuu maamulayay mashruucii sokorta ee Juba (JSP).
Xilalkii
Siyaasadeed;
Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray
siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay. Dhowr sano kaddib
markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday
saaxada siyaasadda.
1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii
Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u
naxariistee -Maxamed Siyaad Barre.
Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan
baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta. 13 bilood markii ay dhisneyd
xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee
xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.
20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif
wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka
Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.
Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay
madaxweynaha maamulkii la magac-baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.
In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase-yeeshee uma suuragalin, wuxuuse markii dambe heshiis la galay Madaxweynihii hore ee Somaliland, kaas oo Khaatumo lagu qarameeyey, ka dib wadahadal muddo u dhexeeyey Somaliland iyo Khaatumo, waxaanu muddo daba-joogay hirgelinta qodobbadii heshiiskaas oo uu Madaxweynaha Somaliland ee hadda Muuse Biixi aanu fulinnin illaa hadda.