#PUNTLAND:Maxaa Ka Run Ah Xidhiidhka #Siciid_Deni Iyo Argagixisada Al-Shabaab?

Garoowe(#Hayaannews): Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inuu xidhiidh la sameeyey kooxda Al-Shabaab, kadibna weydiistey gurmad Ciidan oo kala qaybgala guluf dagaal oo uu rabo inuu ku qaado Ciidanka #PSF,kuwaas oo soo baneeyey furimahii jiida hore ee ay ku hortaagnaayeen dagaalyahamiinta Alshabaab ee Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskeed,kadib markii ay ka gedoodeen Gaadhi siday Askari Xanuunsanaya oo ay leeyihiin Ciidamada PSF oo laga celiyey kaantaroolka BOOSAASO., kaas oo laga keenay GAL-GALA. Sidoo kalena laga celiyey gaadhigii Saadka u Siday Ciidamadii ku sugnaa Sugure iyo Galgala, taasina waxay sababtay inay Ciidamadii ka soo baxdaan Furintii.

Warku wax intaasi ku darayaa inay sidoo kale ka gadoodeen talaabadii uu Siciid Deni xilka kaga qaadey Agaasimihii PSF Mohamoud Siciid Diyaano.

Ma jiraan warar si rasmi ah shaaca uga qaadaya Natiijada Xidhiidh khadka Telephonka saaka ku dhex marey Siciid Deni iyo Amiirada Kooxda Alshabaab ee Buuraleyda Calmadow iyo Calmiiskeen,hase yeeshee warar ku tiri ku teen ah ayaa tibaaxey in dalabka Ciidan ee Siciid Deni,ka dhashey kalsooni daro uu ka qabo Ciidanka Daraawiishta Puntland inay ka horyimaadaan qorshahiisa ku wajahan dagaal uu ku qaado Ciidanka PSf ee ku sugan Magaalada Boosaaso,kuwaas oo ku gacan seydhay xilka qaadistii Siciid Deni ku sameeyey gedoodsan Agaasimaha Ha’yadda Psf..Gen. Maxamuud Cismaan Diyaano,iyada oo Hogaanka Psf,hore ugu eedeyeen inuu ka tirsan yahay urur diineed xagjir ah Siciid Deni.

Warar xaqiiqadooda lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inay soo buux dhaafiyeen Xarunta Psf ee Bosaaso cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland kadib markii ay ku soo biirey Ciidanka xaq u dirirka PSF.kuwaas oo Madaxdoodu la hadleen Warbashinta Boosaaso, cadeeyen inay ku soo wareegeen Ciidanka Psf kadib markii uu diidey damiirkoodu inay la dagaalamaan Ciidanka Walaalahood ah.

Dhinaca kale,Warar aanu iminka ka helneyno Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Siciid Deni u anbabaxey dhinaca magaalada Boosaaso,waxana ujeedada safarkiisa lagu micneeyey labo arrimood oo kala ah, inuu kulan.qarsoodi ah kula soo yeelan doono meel aan cidna ogeyn Amiirada Alshabaab iyo sidii uu ugu soo qancin lahaa Ciidanka Daraawiishta ee diidey dagaalka inay galaan Dagaalka ka dhanka ah Psf, maadama ay ku gacan seydheen xilka qaadistii uu ku sameeyey Agaasime Maxamuud Diyaano,taas oo sababtey in Ciidanka psf ay soo baneeyaan aagagii furimaha ee ay difaaca kaga jireen,gaar ahaan Buuraleyda Calmadow iyo Calmiskeed.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com