Qaramada Midoobay Oo Kordhiyay Muddada Howlgalka La Dagaalanka Budhcad-badeedda Ee Xeebaha Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii u codeeyay in la kordhiyo barnaamij u oggolaanaya ciidamada badda caalamiga ah in ay la dagaalamaan kooxaha budhcad badeedka ah ee xeebaha Soomaaliya, balse muddo saddex bilood oo kali ah ayaa la cusbooneysiiyay, iyadoo Soomaaliya ay dooneyso in ay si buuxda u hesho maamulka biyaheeda.

Qaraarkan oo uu soo diyaariyay Mareykanka ayaa waxaa si aqlabiyad leh u ansixiyay dhammaan 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Ammaanka.

Faransiiska ayaa ka digay in mudddada la kordhiyay ay aad ugu yar tahay in uu si sax ah ku shaqeeyo howlgalka la dagaalanka burcad badeedda ee Europe ay hoggaamineyso ee xeebaha Geeska Africa, waxayna taasi halis gelineysaa in ay abuurto “firaaq amni.”

Barnaamijkan muddada uu socday, “ma jirin wax weerar ah oo la soo wariyay muddo afar sano ah” ayay tidhi Sheraz Gasri, oo ah isku-duwaha ergada Faransiiska ee QM.

Laakin Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeysay in maadaama aysan jirin weerarrada budhcadbadeedda ee galbeedka badweynta India ay tahay in howlgalkan la soo afjaro.

Muddada loo cusbooneysiiyay ee saddexda bilood ah “waa in ay oggolaataa in loo gudbo hab iskaashi ciidan oo laba geesood ah,” ayuu yidhi ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan oo ku ammaanay barnaamijkan in uu “ku guuleystay” ciribtirka budhcad-badeedda

“Maqnaanshaha budhcad-badeeddu waxa ay shaki la’aan ka dhigaysaa in sii socoshada ciidameynta ee baddeenna iyo dhulkeenna ay dhabtii tahay mid aan xidhiidh la laheyn budhcad-badeed iyo dhaca hubeysan ee inta badan Soomaaliya,” ayuu yidhi.

Sida uu sheegay mid ka mid ah diblumaasiyiinta, Soomaaliya ayaa intii ay socotay doodda Golaha Ammaanka waxa ay si weyn u diiday in muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo howlgalka, waxayna ku baaqday in “dib looga fakaro” qorshahan.

Badi howlgallada ka dhanka ah budhcad-badeedda ayaa waxaa qaada Atalanta, oo ah howlgalka reer Yurub oo ay qeyb ka yihiin maraakiib iyo diyaarado kuwaasi oo lagu ilaaliyo ammaanka biyaha u dhow Soomaaliya. Howlgalkan oo la bilaabay 2008-dii ayaa Golaha Europe waxa uu muddadiisa cusbooneysiiyay illaa December 2022-ka.

AFP

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com