Qaramada Midoobay Oo ku Eedeysay Ciidamada Eritrea Macluusha Ka Jirta Gobolka Tigray

Waqooyiga Ethiopia ayaa bartamihii 1980-yadii waxaa ku dhuftay macluul daran markii ay isugu darsameen dagaal iyo abaar sababtay in ay hal milyan oo qof dhintaan.

Hadda ayaa markale ay macluul ka jirtaa gobolka Tigray, waxaana sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay uu ku tilmaamay in macluusha lagu qasbay dadka deegaanka.

In ka badan 350,000 oo qof kana mid ah ku dhowaad 6 milyan oo Tigree ah ayaa ku nool xaalado macluul ah, sidaasina waxaa lagu sheegay xog ay falanqeeyeen hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka caalamiga ah oo ay Khamiistii warisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ku dhowaad 2 milyan oo kale ayaa hal tallaabo u jira xaaladdan oo kale ayay sheegeen hay’aduhu. Laakin Ethiopia ayaa dood ka keentay qiyaasahan.

Qaar ka mid ah erayadiisii ugu adkaa ee uu jeediyo tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayuu sarkaalka ugu sarreeya QM ee arrimaha bini’aadanimada, Mark Lowcock, wuxuu ku eedeeyey ciidamada Eritrea “in ay isku dayayaan in ay la macaamilaan shacabka Tigreega xilli ay gaajoonayaan.”

Wareysi uu siiyay Reuters maalintii Khamiistii, Lowcock waxa uu sheegay in askarta Eritrea iyo dagaalyahannada gudaha ay si ula kac ah u horjoogsanayaan in sahay la gaarsiiyo in ka badan 1 milyan oo qof oo ku nool meelaha aan ku jirin gacanta dowladda. “Cunnada ayaa loo adeegsaday sidii hubka dagaalka oo kale,” ayuu yidhi.

Dagaalka oo bishii November ka dhex qarxay dowladda Ethiopia jabhadda Xoreynta Tigree ee TPLF ayaa waxaa ku barakacay ilaa 2 milyan oo qof. Dagaalka ayaa bilowday waxyar ka hor xilligii tacbashada. Ciidamada dalka deriska ah ee Eritrea iyo kuwa maamulka gobolka Amxaarada ayaa kusoo biiray si ay u taageeraan dowladda Ra’iisulwasaare Abiy Ahmed.​ #Hayaannews

REUTERS

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com