Qareenka Dugsiyada Nuuradiin oo Shaaciyay inay Racfaan ka Qaateen Xukunka ay ku Ridday Maxkamaddu

Hargeysa (Hayaannews):- Qareenka guud ee Dugsiyada Nuuradiin Qaybihiisa kale duwan ayaa War Murtiyeed kasoo saaray xukun sharci daro ah oo dhawaan maxkamada gobolka maroodi jeex ugu Xukuntay in laba macalin oo iskuulka wax ka dhigi jiray in magdhow lasiiyo.

War murtiyeedkan kasoo baxay xafiiska qareenka Dugsiyada Nuuradiin schools ayaa lagu sheegay in iskuulka nuuradiin xukunkaasi racfaan ka qaatay isagoo dhanka kalena sharci daro ku tilmaamay xukunkani.

Qareenka dugsiyada Nuuradiin ayaa faah faahin ka bixiyay marxaladihii ay soo martay dacwada udhaxaysa iskuulada nuuradiin iyo labadan macalin.
Halkan kaga Bogo war murtiyeedka kasoo baxay qareenka Dugsiyada Nuuradiin Oo Dhamaystiran;