Qoddobo Laga Soo Saaray Shir Ay Yeesheen Saaladiinta Iyo Ganacsatada Beesha Koonfurta Hargeysa Iyo Sallaxley

Hargeysa(Hayaannews): Shir ka Qabsoomay Maanta Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa oo ay ka   soo qayb galeen Salaadiin Cuqaal Waxgarad  Siyaasiyiin Ganacsato iyo aqoonyahan ka soo jeeda Beesha Degta Koonfurta Magaalada Hargeysa Gobalka Maroodi-jeex  iyo Degmada Salaxlay ayaa waxa lagaga Wadahadlay Xaalada dalka marayo.

Shirkaas ayaa waxa lagaga Wadahadlay oo lagu lafo  guray  iskaashiga iyo wax wada qabsiga  Beesha  Koonfurta Magaalada Hargeysa  iyo Salaxlay.

Waxaana  laga soo saaray  Qodobadan markii Shirkaasi soo dhamaaday.

1.In la qabto shirweynaha Horumarinta iyo iskaashiga Beesha  Koonfurya Hargeysa Gobolka Maroodi Jeex oo ay ka soo qayb galaan hogaanka dhaqanka iyo siyaasada, ganacsatada iyo waxgaradka 16-ka degmo ee gobolka Maroodi Jeex (8 degmo oo magaaladda Hargeysa ah iyo 8-da degmo ee ku hareeraysan).

  1. In lala shaqeeyo oo la taageero dawlada Somaliland ee Maanta jirta oo ah dawladdii ugu waxtarka badnayd deegaanka koonfurta Maroodi Jeex iyo guud ahaan Somaliland
  2. Mucaaradnimo inay noqoto mid toosin iyo tilmaan ah,isla markaana xeerinaysa danta guud ee Qaranka, oo ay kow ka yihiin Adkaynta Nabadgelyada, Horumarinta iyo wadajirka ummadda walaalaha ah ee Reer Somaliland.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com