“Qof Walbana Wuxuu Sanka Kaga Tolnaan Doonaa Inuu Sharciga Raaco…” Guddoomiyaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif.

“Dhibaatada Gollaha laguma xalliyo dibadda iyo in saxaafad lala hadlo”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay inay xildhibaanada Mucaaridka iyo Mucaaridku ay isku hayaan hab-raacyadii sharci aan u marno waxkasta oo Golaha yaala iyo u mari-mayno.

Sidaa waxa uu Guddoomiye Cabdirisaaq ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay qaar ka mida Warbaahinta.

“Sida saxaafada laga sheegayo ma jirto cid isku haysa ururo yaan la furin iyo ha la furo, waxa laysku  hayaa hab-raacyadii sharci aan u marno waxkasta oo Golaha yaala iyo u mari mayno ayaa laysku hayaa, qof walbana wuxuu sanka kaga tolnaan doonaa in uu sharciga raaco”.Ayuu yidhi Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Dhibaatada Gollaha laguma xalliyo dibadda iyo in saxaafad lala hadlo”

Golahu sharci iyo kala dambeyn ayuu leeyahay “Golahu sharci iyo kala dambeyn ayuu leeyahay , waxaana lagu kala baxaa waa codka golaha oo lagu kala baxo , xildhibaanada dibada ku hadlay waxaan u sheegayaa inaanay saameyn sharci yeelanayn ee golaha wixii kasoo baxay ayaa saameyn yeelanayaa “.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com