Qorshaha Dhagareysan Ee Guddoomiyaha Komiishanka  Cabdirashiid Riyo-RAAC iyo Demanaanta Mucaaradka Faallada #Shabakada_Hayaannews

Hargeysa(#Hayaannews):Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Cabdirashiid Riyo-RAAC oo hortegay guddida joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland sabtidii todobaadkan ayaa mar uu ka hadlayey doorashada Madaxtooyada Somaliland ee soo fool leh waxa uu cadeyey in ay qabsoomeyso wakhtigii loo cayimay oo aaney dib uga dhacey hal maalin.

Mr.Riyo raac ma xusin wakhtiga rasmiga ah ee loo qoondeyey in la qabto doorashada Madaxtooyada Somaliland,balse,waxa  sheegay inay dhinacooda u diyaar garoobeen sidii ay wakhtigeeda ugu qabsoomi lahay doorashadu oo ku hawlan yihiin dhameystirka waxyaabaha qabyo ka ah ee caqabada ku noqon karaya hirgelinta Doorashada.

Gudoomiyihu haba yaratee wax tafaasiil ah oo inta ka badan kama uusan bixin doorashada ,maadama ay dhici karaan inay soo kordhaan waxyaabo cusub oo dib u dhac ku keeni karaya wakhtiga Doorashada Madaxtooyada,iyada oo iminka dagaaladda ka socda wadanka deriska inala ah ee Itoobiya ay dhalan karaan  cabsi weyn oo waxyeesha Amaanka guud ahaan Mandaqada Geeska Africa.sidoo kale,ina Riyo raac waxa uu u hadlayey sidii qof haysta damaanaq inaan ka hor wakhtiga doorashada wax dhibaato ahi ka dhici doonin Somaliland,sida, Masiibooyinka dabiiciga ah,falal amaan daro iyo dhaqaale la’aan,kuwaas oo sababi kara in dib loo riixo wakhtigii doorashada hore loogu cayimay qabsoomideeda, iyada oo dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland uu ogol-yahay in dib loo dhigo wakhtiga Doorashada haddii ay dalka la soo gudboonaadaan xaaladaha aan kor ku soo xusay…..ilaah inaguma keenee.. #Www.Hayaannews.net

Inta marka laga tago waxa kale oo jira tuhun laga qabo dhexdhexaadnimada Ina Riyo raac,maadama uu ku suntanaa Xisbi Xaakinka Kulmiye ka hor intii aan loo magacaabin xubinta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee uu iminka Gudoomiyaha ka yahay.iyada oo ay jiraan dhaliilo Siyaasiyiin u badan dhinaca Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ay u soo jeedinayaan ina Riyo raac qaabkii uu u maamuley doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golayaasha degaanka iyo Wakiilada inuu ahaa mid gebi ahaanba meesha ka saarey nidaamkii isu dheeli tirnaa ee saamiyadda beelaha Somaliland mid waliba ku  lahayd tirada cayiman kuraasta baarlamaanka Somaliland. Iyaga oo tilmaamey in arrimaha ugubka ku ahaa doorashooyinka Somaliland ee lagu arkey Doorashadii Wakiilada ay ka mid ahaayeen, fadeexadihii ka dhacey degmooyinka Caynabo iyo Ceel afweyn oo noqdey labo degmo oo ka xildhibaano batey sagaalkii degme kale ee gobolada Sool iyo Sanaag. Kuwaas oo ku soo baxey musuqmaasuq iyo eex uu ina riyo raac  fududeeyey kadib markii uu ogolaadey in hal beel (#Habarjeclo) lagu koobo dhamaan shaqaalaha ka hawlgelayey  heer degmo ilaa heer gobol,sida, komishanka,xisbiyada,Amaanka,iwm. Taas oo faro madhnaan ka dhigtey beelaha Harti Waqooyi (#Dhulbahante iyo #Warsangeli),kuraastii Xildhibaanadooda oo u wareegay xagga beesha Muuse Abokor HJ,taas oo 17 Xildhibaan ku heshey  jawaanadii lacagta ahaa ee uu dabo walwaalayey Maxamuud Xaashi.halkii ay baarlaankii hore kaga lahay 5 xildhibaan oo keliya.

Waxa kale oo fadeexadihii doorashada ka dhashey iyana ka mid ahaa,sidii bahalnimada ahayd ee loo boobey kuraastii xildhibaanada beesha Arab Sheekh ixsaaq oo lagu soo koobey hal xildhibaan.halkii ay baarlamaankii hore ku lahaayeen todobada xildhibaan.

Guntii iyo gebogabadii…waxaa biyo kama dhibcaan ah in qorshaha ina Riyo-raac hore u degay uu ahaa mid labo weji leh. Ka koowaad,si uu kiniin xumad jebin ah u liqsiiyo Xisbiyad Mucaaradka ah inuu yiraahdo waxaad ku guulaysateen aqlabiyadii Xildhibaanada Goloyaasha Baarlamaanka iyo deegaanka..isaga oo iska dhigayey nin cadaalad ku maamuley doorashooyinkii isku xadfanaa..iyo qorshahiisa labaad oo ah inuu doorashada soo fool leh si farshaxaneysan guusha ugu gacan geliyo  Musharax Muuse Biixi Cabdi inuu mar labaad ka dhigo Madaxweynaha Somaliland taas oo ay u dhowdahay inay 80% inay u suurto gasho riyo raac marka la eego maahsanaanta iyo jileeca ka muuqda Siyaasiyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee cadaalada ka dhowraya ina Riyo raac iyaga oo ka dheregsan taariikhdiisa  shaqsiyadeed iyo habdhaqankiisa ah kii Maafiyada Talyaaniga oo kale.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com