Raggii Dilay Khashoggi Oo La Ogaaday In Lagu Tababaray Mareykanka

Washington(Hayaannews): Afar ka mid ah raggii sanadkii 2018 ka qeybgalay dilkiii Jamal Khashoggi oo ahaa weriye ka tirsanaa wargeyska Washington Post ayaa tababar khaas ah ku qaatay waddanka Mareykanka sanad kahor dilkiisa, waxaana qandaraaska imaashahooda ansixisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Wargeyska New York Times ayaa talaadadii qoray in tababarkan ay bixisay Tier 1 Group oo hoostagta shirkadda gaarka loo leeyahay ee Cerberus Capital Managerment, waxaana raggan loo tababaray ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyaha Sucuudiga.

Cerberus kama jawaabin codsiga fach-faahin ku saabsan arrinkan, kaas oo ay gudbisay wakaalada wararka ee Reuters.

Isaga oo ka jawaabayay warbixinta New Times, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price waxa uu sheegay in sharciga wasaaraddu aanu u oggoleyn in uu ka jawaabo wax kasta oo ay warbaahintu soo tabisay.

Price ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Sacuudi Carabiya “ay mudnaanta siin doonto sarreynta sharciga iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha”.

KHashoggi oo heystay deganaasha Mareykanka ayaa ka tirsanaa faallo-qoreyaasha qeybta fikradaha ee wareyska Washigton Post, isagoo naqdin jiray dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salaam ayaa waxaa jar-jaray koox xiriiir la leh amiirka, kuwaas oo bishii Oktober 2018 ku dilay gudaha qusuliyadda boqortooyada Sucuudiga ee ee magaalada Istabul ee waddanka Turkey.

Warbixintii sirdoonka Mareykanka ee bishii February ayaa lagu sheegay in amiirka dhaxal sugaha Sucuudiga uu ansixiyay howlgal lagu soo qabanayo ama lagu dilayo wariyahan.

Madaxa shirkadda Cerberus Louis Bremer ayaa xaqiijiyay doorka shirkaddiisu ku leedahay tababarka afar xubnood oo tirsan kooxda dilka Khashoggi sanadkii hore jawaabo uu ka bixiyay su’aalaha xubnaha Congreeska, taas oo qeyb ka aheyd magacaabistiis xilka sare ee wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon ee maamulkii madaxweyne Donald Trump, sida laga soo xigtay Times.

Laakiin sharci-dejiyeyaasha Mareykanka weli ma helin jawaabahan, sababto ah maamulkii Trump uma muuqan inuu Congresska u diro kahor inta aanu ka noqon magacaabista Bremer, sida laga soo xirtay Times oo intaas ku dartay in Bremer uu qoraal ahaan u gudbiyay.

Bremer wuxuu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo hey’adaha kale ee dowladda ay masuul ka yihiin turxan-bixinta ciidamada shisheeye ee lagu tababarayo gudaha Mareykanka.

 

Xigasho: Reuters.