Ra’iisal Wasaaha Ingiriiska Oo Cambaareeyey Fal Cunsuriyadeed Oo Lagula Kacay Ciyaartoy.

London (#Hayaannews)-Ra’iisal Wasaaraha UK iyo xdhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka,kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub.Talyaaniga ayaa 3-2 rikoodheyaal ah kaga badiyay Ingiriiska.Saddex ka mid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rikoodhayaasha.

Ra’iisal Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo“Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yidhi Ra’iisul Wasaaraha.

Dhanka kale xidhiidhka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

Booliska London waxay sheegeen inay baadhayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com