Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya Oo Soo Saaray Awaamiir


Muqdisho(Hayaannews):- Ra’iisal-wasaaraha la ansixiyey ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo aan weli Xukuumadda laga sugayo soo dhisin, ayaa faray golaha wasiirrada Xukuumaddii kalsoonida Baarlamaanku kala noqday ee weli xilka sii hayaa inay tallaabo kasta oo ay qaadayaan las oo wadaagaan Xafiiskiisa, si loo dhawro nidaamka xeer ee loo dejiyay xubnahan ku-simayaasha ah.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in aan la aqbalidoonin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa habraaca la dajiyay, wuxuuna ku wargaliyay inay muujiyaan waxqabad miro-dhal ah inta uu gole cusub kasoo dhisayo.

Waa amarkii ugu horeeyay ee kasoo baxa raysal wasaaraha cusub oo dhawaan laga sugayo inuu soo magacaabo gole wasiirro oo xilka kala wareega kuwa hadda jira ee muddada ku shaqeynayay xil sii hayayaal.

Amarka Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ku soo saaray Ku-simayaasha wasiirrada, waxa uu u dhignaa sidatan:-

Geesta kale, Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa isla Axaddii maanta markii uu amarkaa warbaahintu heshay soo saaray ka dib, waxa uu safarkiisii ugu horreeyey intii xilka loo dhiibay ugu ambababaxay dalka Kuwait,  waxaanu Shacabka iyo Dowladda dalkaas uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Boqorkii hoggaaminayey Kuwait, dhammaadka toddobaadkii hore.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta aftahannews, ayaa lagu yidhi; “Rooble wuxuu la kulmi doonaa Boqorka cusub ee Kuwait Sheekh Nawaf al-Ahmed al-Saba.”

Boqorkii hore ee dalkaas, ayaa geeriyooday, isagoo da’diisu ahayd 91 jir, waxaanu ku dhintay dalka Mareykanka maalmo ka hor.

Ra’iisal-wasaare Rooble, ayaa Madaxda dalka Kuwait kala hadli doona qorshaha deyn-cafinta Soomaaliya iyo sidii taageero looga siin lahaa,  sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliya SOLLA.