HAYAANNEWS.NET
Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Sameeyey Xili Dagaalka Uu Sii Xoogeystay
November 8, 2020 - Written by admin


Adis ababa(Hayaannews); Ra’iisul Wsaaraaha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa xilalka ka qaaday taliyihii ciidamada, madaxii sirdoonka iyo wasiirkii arrimaha dibedda, iyada oo militariga ay maalinkii shanaad wadaan dagaal ka socda gobolka Tigrayga.

Abiy Ahmed ayaa shaqo ka eryiddan ku dhawaaqay maanta, iyada oo dagaalka uu ka sii darayo, kuna sii riixayo Ethiopia dagaal sokeeye.

Xafiiska Abiy oo warkan ku shaaciyey barta twitter-ka ma sheegin wax sabab ah oo loo sameeyey is-beddelladan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Berhanu Jula oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidamada “hadda loo dalacsiiyey taliyaha ciidmada.”

Abiy Ahmed ayaa weli wada ololaha uu Arbacadii ku dhowaaqay ee ka dhanka ah gobolka Tigrayga, inkasta oo ay jiraan codsiyo ka imanaya beesha caalamka oo ku saabsan inuu wada-hadal la galo xisbiga maamula gobolkaas ee TPLF.

Dhinaca kale, ku dhowaad 100 askari oo Ethiopian ah ayaa dhaawacyo looga daweeyey gobolka Amhara ee waqooyiga dalkaas, sida ay maanta sheegeen saraakiil caafimaad, taasi oo muujineysa in dagaalka uu sii xoogeysanayo.

Khasaarahan ayaa imanaya ayada oo Abiy iyo hogaamiyayaasha militariga ay ku faaneen guulo ka dhan ah ciidamada daacadda u ah TPLF.

Isgaarsiinta oo laga jaray gobolka Tigrayga ayaa adkeyneysa in la xaqiijiyo hadallada kasoo baxaya mas’uuliyiinta, hase yeeshee waddooyinka gobolka Amxarada ayaa inta badan lagu arkayaa baabuurta gurmadka deg degga ah oo isbitaallada ula ordaya askar dhaawac ah.

Dhaqtar ku sugan magaalada Sanja ayaa AFP u xaqiijiyey in 98 askari laga daweeyey dhaawacyo xabadeed.

“Waxaan haynaa 98 kiis, dhammaantoodna waa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda,” ayuu dhaqtarka oo qariyey magaciisa u sheegay AFP.

Waxa uu sheegay in dhaawcayada lasoo gaarsiiyey ay yihiin kuwa fudud, hase yeeshee dhaawacyada halista ah la geeyey isbitaallada waa weyn ee magaalada Gondar iyo magaalooyinka kale.

AFP + REUTERS

Hayaannews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews