Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ka Hadlay Dabka Baabiiyey Suuqa WAAHEEN. “Waxaa i Murugo Gelisay in Aan Arko Khasaaraha Ka Dhashay Dabka Hargeysa”

London (Hayaannews): – Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, isagoo sheegay in dowlada Ingriisku gacan ka gaysan doonto dib u dhiskiisa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ay murugo galisay in uu arko dhibaada uu dabku u gaystay suuqa Waheen ee Hargaysa, isaga oo sigaara u xusay dhibka gaadhay ganacsatada yar yar .

Raysal Wasaare Johnson, waxaanu yidhi.”Waxaa i murugo galisay in aan arko khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Hargaysa, ee khasaaraha intaa leeg u gaystay suuqan furan oo ahaa wadnaha dhaqaalaha magaalada, kaasi oo saameeyay ganacsiyo yar yar oo badan iyo ganacsiyada qoysaska”

Waxa uu sheegay in Hargeysa dib loo dhisi doono isla markaana ay dowladiisu gacan ka gaysan doonto dib u dhiska “Magaaladiinu dib ayay usoo kici doontaa, Ingiriiskuna wuxuu qaban wixii aanu awoodno, si aanu u taageerno dadaalka dib loogu dhisayo ee Somaliland wado”.

Dhinaca kale, waxa masiibada dabka ka dareen celiyay saraakiil sar sare oo ka tirsan dowlada Ingiriiska sida xoghayaha arrimaha dibada Lis Truss, xoghayaha u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, wakiilka Somaliland u joogta Lizzy Walker iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

Mustafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com