Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Oo Kulankiisi Ugu Horeeyey La Yeeshay  Hoggaanka TPLF

Addis Ababa (Hayaannews): – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa muddo labo sano ah kaddib markii u horreysay waxa uu la kulmay madaxda u sarreysa ee TPLF.

Wasaare Abiyi Axmed, waxa kulanka ku wehelinayay masuuliyiin sare oo ka mid ah xukuumaddiisa.

Sida ay baahisay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Itoobiya, Ra’iisal Wasaare Abiyi Axmed iyo madaxda TPLF ayaa ka wada-hadlay qodobbo ay ka mid yihiin waxyaabaha ilaa iyo hadda ka hirgalay ama ka fulay heshiiskii ay dhawaan gaadheen dowladda Itoobiya iyo TPLF ee lagu soo afjaray dagaalkii wakhtiga dheer ka socday Waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa wixii ka dambeeyay heshiiskaa waxay gobolka Tigray u furtay dhammaan waxyaabaha nolosha aasaasiga u ah, sida Korontada, Biyaha iyo Isgaadhsiinta.

Sidoo kale, Hay’adaha gargaarka ayaa iyaguna bilaabay inay gargaarka noocyadiisa kala duwan geeyaan gobolka Tigray, oo ay ka jirto macluul ba’n oo ay sababeen dagaalladii halkaa ka socday.

TPLF oo heshiiskaa soo dhaweysay ayaa dhinaca kale ilaa iyo maanta aaminsan in weli ay gobolka ku sugan yihiin waxay ku tilmaameen ciidamada ku soo duulay gobolka Tigray, oo ay ula jeedaan Ciidamada Eritariya iyo Ciidamada gaarka ah ee degaanka Axmaarada, kuwaas oo xilligii uu dagaalka TPLF iyo dowladda Itoobiya socday ka barbar dagaallamayay Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya.

Kulankan ay dib iskugu arkeen Madaxda u sarreysa dowladda Itoobiya iyo TPLF heshiiska kaddib, ayaa la filayaa inuu soo kordhiyo waxyaabo badan oo sababi kara inuu sii wanaajiyo xidhiidhka labada dhinac.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com