Ra’iisal Wasaaraha Sudan Oo is-casilaya Haddii Uu Dhaqan-geli Waayo Heshiiska siyaasadeed

Khartoum(Hayaannews): Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa xilka ka tagi doona haddii la dhaqan-geli waayo heshiiska siyaasadeed oo uu la saxiixday milatariga toddobaadkan ama uu ku guuldareysto inuu taageero ka helo kooxaha siyaasadda, sida laga soo xigtay ilo wareed ku dhow Ra’isul Wasaaraha Arbacadii.

Hamdok ayaa laga sii daayay xabsi-guri, waxaana dib loogu soo celiyay shaqada Ra’isul Wasaarenimo, kaddib markii ay heshiis gaareen xubnaha rayidka ee uu hoggaamiyo iyo militariga Suudaan bishii Noofambar 21-keeda, waxaana Hamdok uu xirna muddo afar todobaad ah.

La-wareegista xukunka ee Ra’isul Wasaare Hamdok oo ku timid heshiiskii awood qeybsig sanadka 2019, kaas oo u dhaxeeyay militariga iyo kooxaha siyaasadeed ee ku lugta lahaa ridistii hoggaamiyihii hore Cumar Al-Bashiir.

Kooxahaas ayaa diiday heshiiskan cusub. Sidoo kale waxaa diiday xoogagga iska caabin ah oo abaabulay olole mudaaharaad ah.

Mudaaharaadyadii u dambeeyay, ayaa Talaadadii tobanaan kun oo qof isugu soo baxeen bartamaha Khartoum, iyaga oo halkudheggoodu ahaa “Lama wadaagi karo, gorgortanna iyo tanaasulna ma jiraan”.

Mudaaharaadyadan ayaa u sii socon doona si la mid ah kuwi lagu riday xukunkii dheera ee Cumar Al-bashiir, iyadoo sheegay in heshiiska u xaglinayo militariga.

Reuters