Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Israel Oo Booqasho Ku joooga Imaaraadka

Dubai(Hayaannews): Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Sabtidii booqasho ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyadoo uu weli socdo dagaalka uu dalkiisa kula jiro TPLF, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha dhaxal sugaha awoodda badan ee Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

Dagaalka Tigray ayaa socday ilaa bishii Nofembar 2020, wuxuuna dagaalku is beddelay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada Tigraygu ay dib ugu gurteen gobolkooda kadib markii ay isku dayeen inay ku sii socdaan caasimadda Addis Ababa, waxaana militariga Itoobiya ay sheegeen inaysan sii baacsan doonin, iyadoo taasi waddada u furtay dadaallo dhexdhexaadin cusub ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika, iyada dhinaca kale gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimado ee gobolka Tiigray ay tahay yool muhiim ah.

Dowladda Itoobiya ayaa isku dayday inay xaddiddo wararka dagaalka waxayna xirtay qaar ka mid ah saxafiyiinta, kuwaas oo uu ka mid ahaa muuqaal-duubaha AP Amir Aman Kiyaro, iyada oo adeegsaneysay xaaladdii degdeg ee dalka la galiyay.

Khubarada ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Itoobiya ay u muuqdaan in lagu xoojiyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay kasoo iibsatay Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka.

Dhinaca kale, madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa booqashadii ugu horreysay ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Axaddii, sida uu sheegay xafiiskiisa, isagoo doonaya inuu xoojiyo xiriirka Khaliijka, xilli xiisadda gobolka ay sii xumaaneyso, iyadoo quwadaha adduunka ay isku dayayaan inay soo nooleeyaan heshiiskii Nukliyeerka ee Iran.

“Waxaan la kulmi doonaa hoggaanka Isutagga Imaaraadka Carabta, anigoo martiqaad shakhsi ah ka helay Sheikh Mohammed bin Zayed, oo ah dhaxal-sugaha Boqortooyada,” ayuu yiri Herzog.

Imaaraadka, oo ay weheliso Bahrain, ayaa heshiisyo caadi ah oo Maraykanku dhexdhexaadiyay la saxeexday Israel, iyadoo heshiiskaas oo ka dhacay Aqalka Cad sanadkii 2020 loogu magac daray “Heshiiska Abraham”.

Labadan waddan ee Khaliijka iyo Israa’iil ayaa wadaagaan welwelka guud ee ku saabsan Iran iyo ciidamada xulafada la ah ee gobolka.

AP, Reuters