Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Culeys Lagu Saaray Inuu Is-Casilo, Baaqyada Waddamada Caalamka Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey.

Image processed by CodeCarvings Piczard ### FREE Community Edition ### on 2018-07-08 09:38:04Z | http://piczard.com | http://codecarvings.com

Adis-ababa(Hayaannews): Dalalka maraykanka, ingiriiska, Jarmalka, France, Norway, Sweden iyo Netherlands ayaa ugu baaqay dadkooda ku sugan magaalada Addis Ababa iyo guud ahaan dalka Ethiopia inay sida ugu dhakhsaha badan uga fekeraan inay ka baxaan dalka Ethiopia oo xaaladda ammaanku sii xumaanaysay.

Fariin lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka iyo safaaradda maraykanku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ayaa loogu sheegay dadka maraykanka ah ee ku sugan Addis Ababa inay sida ugu dhakhsaha badan leh uga baxaan iyagoo isticmaalaya diyaaradaha ganacsiga intaanay xaaladdu faraha ka bixin.
Sidoo kalana bogga wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska ayaa goor dhawayd lagu daabacay farriin dadka ingiriiska ku wergelinaysa inay ka baxaan magaalada Addis Ababa.

Maraykanka iyo ingiriiska ayaa ka cabsi qaba inay ku dhacdo sidii magaalada Kabul ka dhacday oo kale.
Dhinaca kalana xoogaga TDF ayaa waxay caawa maqribkii ku ruqaansadeen jidweyn oo gala magaalada Addis Ababa kana yimaada dhinaca waqooyiga, laakiin dawladda maraykanka ayaa uga digtay xoogaga TDF inay gallaan magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kalana Facebook ayaa tirtiray farriin uu boggiisa ku daabacay Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed oo ugu baaqaayay dadka inay qoryaha qaatan oo ay la dagaalan wuxuu ku sheegay kooxaha argagixisadda ah, Afhayeen u hadlay Facebook ayaa xaqiijiyay in farriinta Ra’isal wasaaraha la tirtiray digniina loo diray.
Sidoo kale, wararka hoose ay helayso Shabakada Wararka ee Hayaannews ayaa sheegayaa in culeys lagu saarayo ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed inuu is-casilo si aanay rabshado uga dhicin Magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Adis-ababa.

 

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com