Ra’iisal Wasaare Abiy Oo Isku Soo Dhaweeyey Dawladaha Somaliland Iyo Soomaaliya
February 20, 2019 - Written by editor editor
Addis Ababa,(Hayaannews) – Ra’iisal Wasaraha dalka itoobiya
ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha mamulka Somaliland Mudane Muse Bixi
Cabdi iyo wefti uu hogqminayo. Labada dhinac waxay ka wada hadleen islamarkaana
oo ay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ka mid tahay xoojiinta xidhiidhka
dadweynaha, Illaalinta muwaadiniinta Itoobiyaanka ee ku nool Somaliland iyo
xoojiinta umuuraha ku saabsan nabadda iyo amniga ah.
Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qirtay in Ra’iisal wasaare Abiy
uu qaaday talabooyin dhinaca is dhex galka Mandaqada Geeska Africa, hase-yeeshee
madaxweyne Muuse Bixii Cabdi ayaa sidoo kale aqbalay dhowaaqa Ra’iisal Wasaaraha
ee ah in la sii waddo lana xoojiyoo wada shaqaynta dhow ee uu dhaxaysa mamulka
Somaliland iyo dowlada federalka Soomaalia. Sidoo kale kulanka waxa heshiisiyo
is-afgarad ku sabsan wada-hadalka mustaqbalka iyo sidii goobjoogayaal loga
noqon lahaa.
Sidaa waxa caawa fiidkii lagu baahiyay barta uu Facebook-ga
ku leeyayay Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy
Ugu dambaynti labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay
kor u qaadista xidhiidhka dhaqaale iyo xoojiinta adeegyada dekeda.