Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Kulan Degdeg Ah Ugu Yeedhay Hay’addaha Amniga

Muqdisho  (Hayaannews) – Ra’iisal Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeedhay laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xidhiidha amniga dalka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa Hay’adaha Amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada.”ayuu yidhi Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xidhiidha amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si ayna cadowgu ug afaa’iideysan.

Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisal Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii naf-hallignimada ahaa iyo dadaalkii ballaadhnaa ee lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkii xalay ka dhacay maqaayadda jalaato Devino, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey.

Hayaannews, Office

Muqdish, Soomaaliya

Email: Hayaannewssoma@gmail.com