Raysal Wasaaraha Finland oo Ballan Qaaday in uu Aqoonsan Doono Somaliland
May 20, 2019 - Written by admin
Raysal-wasaaraha
Fnland wuxuu ka qayb galay debbaal degga maalinta qaranmida Somaliland oo
dalkiisa lagu qabtay waxaanu hambalyo u diray Somaliland
Finland (Hayaannews):- Raysal-wasaaraha cusub ee dalka Finland Mudane Antti Rinne i,ayaa caddeeyay in uu aqoonsan doono qarannimada iyo madaxbannaaida Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana si weyn ula shaqayn doono xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ee talada dalka haysa ka dib hadal kooban oo uu ka yidhi munaasibaddii xuska sannad guurada 28 ee maalinta qarannimada Somaliland oo lagu qabtay dalka Finland oo Raysal kala qayb galay jaaliyadda Somaliland ee dalkaas isla markaana uu ugu hambalyeeyay maalinta qarannimada Somaliland
Danjiraha
Somaliland ee dalka Finland Saamiya Maxamed Muuse oo wargayska Dawan uga
warrantay sida looga xusay dalka Finland 28 guurada maalinta qarannimada
Somaliland iyo ballan qaadka Raysal-wasaaraha cusub ee dalkaas ayaa intaa
raacisay in Raysal-wasaare Antti Rinne oo ay isku xisbi yihiin in uu caddeeyay
in uu si wayn ula shaqayn doonoo xukuumadda Somaliland isla markaana uu
aqoonsan doono dawladda Somaliland.
Danjire
Saamiya oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi. “waxaa sharaf weyn noo ahayd
inaan xuskii18 May la qaadanay prime ministerka (Rayis al wasaaraha) cusub ee
Finland Mudane Antti Rinne iyo olalaha kaambaynka doorashada Barlamaanka Europe
o dhici doonta inshaa Allah 26 May 2019, Waxaan si gaar ah uga faa’iidasanayay
munaasibadda xuska 18 May iyo codeynti iyo olalihii kaambaynka doorashada
Barlamaanka Europe, inaan la wadaagno farxadda xuska 18 May Rayslwasaare mudane
Antti Rinne oo waliba noogu hambalyeeyay maalinta qarannimada Somaliland isaga oo
si farxad iyo ixtiraam iyo qadarin leh ku yidhi Hambalyo Somaliland, ayaan
anigu si gaar ah oo xushmad leh u xasuusiyay inaan in badan xisbiga SDP la soo
shaqeeyay marna aan musharax golaha deegaan ka noqday marna xubin ku xiigeen
,marna xubinta gudida komishinka doorashooyinka barlamaanka Finland taas oo
xisbiga SDP ku guulaystay oo aan ka mid ahaa guulaha xisbiga u soo hoyatay
taasoo uu ku noqday mudane Antti Rinne Raysal-wasaaraha cusub ee Finland,
horena aan ka mid ahaa ergooyinki shirweynaha 45 ee xisbiga SDP isaga loogu
doortay inuu noqdo Goddomiyaha xisbiga SDP oo aan codkayga ku siiyay, maantana
aan ka mid ahay xubin gudida doorashada Baarlamaanka Europe ee 26 May inaan
diyaar u ahay guul saddexaad inaan xisbiga la soo Hooyo aniga oo taageero iyo
kaampeyn iyo codba ku deeqi doona si mar saddexaad uu xisbiga SDP ugu guulaysto
kursiga Barlamaanka Europe.”
Waxaanay intaa raacisay in ay ka dalbatay Raysal-wasaaraha cusub ee Finland in uu aqoonsado dawladda Somaliland oo buuxisay dhammaann shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa dal madax bannaan isla markaana ah dal dimuquraadi ah oo kaga horreeya arrimaha dimuquraadiyadda dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika iyo dalal badan oo kale.
Waxaanay tidhi Danjire Saamiya oo arrimahaa ka hadlaysaa. “Waxaan idhi hadaba Mudane Rine codsigaygu waxa weeyaan in aan xaq weyn u leeyahay maadaama aan ahay marna xisbiga SDP marna ahay wakiilka Somaliland ee Finland inaad markaad bishan May 31 aad ku dhawaaqdo xukuumadda cusub ee aad dhisto inaad markaas nagala shaqayso sidii Somaliland ay xukuumadaadu o aqoonsan lahayd, wuxuu iigu jawaabay Prime ministerka isaga oo faraxsan waliba si xushmad iyo qadarin leh noogu jawaabay. Waayahay Samia”
Hadalka
Raysal-wasaaraha cusub ee Finland hadalkii ugu horreeyay oo hoggaamiye dal
Yurub ahi uu ku caddeeyo in uu aqoonsanayo qarannimada Somaliland.