“Reer AWDALOOW Waad Aragtaan Xukuumaddii KULMIYE Ee Hoggaaminayey Muuse, Waxaynu Doonaynaa Isbeddel Aynu Dalka Ku Samayno” Hoggaamiye Xirsi Cali

Boorama,(Hayaannews)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI  Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ugu baaqay Bulshada reer Awdal in ay qayb weyn ka qaataan isbeddel ka dhaca dalka oo lagu beddelo Xisbiga KULMIYE, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Biixi. Si taasi loo gaadhana Bulshada reer Awdal looga baahan yahay in ay is baddalka u kacaan oo dhisaan xisbiga WADDANI si uu talada dalka uga wareejiyo xisbiga KULMIYE oo ku fashilmay taladii dalka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, ahna murrashax u taagan jagada Guddoomiyaha Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlayey Magaalada Boorama ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan soo dhawaynayaa beesha Maxamed Case oo ka mid ah beelaha waawetn ee Gobollada Awdal iyo Salal ee ku biirtay iyo weliba murrashaxnimada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Waddani ee uu doonayo Abubakar Good, siyaasigaasi oo shaaciyey in uu u tartami doono mansabka GUddoomiye ku xigeenka koowaad ee WADDANI.

Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Waxaanu idin soo dhawaynaynaa Xisbi ahaan, waxa aanu idin leenahay guusha nagala shaqeeya. Aniga oo u sharraxan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo Abubakar Good oo guddoomiye kuxigeenka u sharraxan, labadayda deegaana isku mid ayaanu ahayn oo shalay Siillaanyo iyo Saylici, ayaa wada sharraxnaa, waxaanan rajaynayaa in aanu labadayduba wada guuleysan doono. Labada murrashaxna guul gaadhsiin doono insha allaah.” Ayuu yidhi Xirsi isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Deegaankan waxa lagu yaqaanaa isku duubni, ficil iyo karti, waxa aan rajaynayaa in ay hormuud ka noqdaan ololihiisa iyo geeddiga uu ugu jiro inuu talada dalka ku hanto. Guud ahaanna reer Awdal waxa aan leeyahay reer Awdalow waad aragteen Xukuumaddii Kulmiye ee Muuse Biixi hoggaaminayey, maanta waxa aynu doonaynaa isbeddel khayr qaba”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com